Waxaa xadhiga laga jarey ceel dheer oo laga qodey qabalaha Gurdumi ee degmada Aware

Waxaa xadhiga laga jarey ceel dheer oo laga qodey qabalaha Gurdumi ee degmada Aware
Masuuliyiin uu hogaaminayo madaxa xafiiska Biyaha DDS Mudane Xasan Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan kuxigeenka xafiiska madaxweynaha Mudane Maxamed Yuusuf Rooble , kuxigeenada xafiiska Biyaha, qeybo kamid ah Golaha Xildhiibanada deegaanka, maamulka Gobolka Jerar iyo maamulka degmada Aware ayaa xadhiga ka jarey ceel riig ah oo laga qodey qabalaha Gurdumi ee degmada Aware .
Ceelkan ayaa waxaa la qodey 600m wuxuuna soo tuuraya biyo dhan 3.5 liter ilbidhiqsigii waxaana lagu hit galiyey mudo 6 bilood ah .
Ceelkan oo ay qodey Wakaalada dhismaha Hawlaha Biyaha DDS ayaa waxaa ku baxdey misaaniyada dhan 34.2 million ( qeybta qodaalka oo ah 25.2 million iyo qalabeynta ceelka oo dhan 9 million)
Ceelkan ayaa wuxuu siweyn ooga qeyb qaadan doonaa kor uqaadida helitaanka Biyaha nadiifta ee degmada Aware .