Waxaa sifiican usocda Qodaalka ceelka dheer ee qabalaha Balisareedo ee degmada Gunagado

Waxaa sifiican usocda Qodaalka ceelka dheer ee qabalaha Balisareedo ee degmada Gunagado
Masuuliyiin uu hogaaminayo Madaxa xafiiska Biyaha DDS Mudane Xasan Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan kuxigeenka xafiiska madaxweynaha Mudane Maxamed Yuusuf Rooble , kuxigeenada xafiiska Biyaha, qeybo kamid ah Golaha Xildhiibanada deegaanka, maamulka Gobolka Jerar iyo maamulka degmada Gunagado ayaa soo booqdey qodaalka ceelka dheer ee qabalaha Balisareedo ee degmada Gunagado
Ceelkan oo socda mudo 10 cisho ah ayaa gaadhey 194m iyadoo qorshuhu yahay in la qodo 450m Ceelkan oo ay shaqada qodaalkiisa gacanta ku heyso shirkada qodaalka ceelasha ee Hoodo ayaa waxaa ku bixi doonta misaaniyad dhan 19.3 million waxaana la rajeynayaa in mudo bil ah lagu soo afmeero shaqada qodaalka.
Bulshada iyo maamulka Degmada Gunagado ayaa si weyn usoo dhaweeyey mashruucan qodaalka ceelka ee SM2015 hirgalintiisa loo bilaabey