Waxaa xadhiga laga jarey Biyo galinta qabalaha Golcaanood ee degmada Ararso

Waxaa xadhiga laga jarey Biyo galinta qabalaha Golcaanood ee degmada Ararso
Masuuliyiin uu hogaaminayo Madaxa xafiiska Biyaha DDS Mudane Xasan Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan kuxigeenka xafiiska madaxweynaha Mudane Maxamed Yuusuf Rooble , kuxigeenada xafiiska Biyaha, kuxigeenka xafiiska ilaalinta deegaanka, qeybo kamid ah Golaha Xildhiibanada deegaanka, maamulka Gobolka Jerar iyo maamulka degmada Ararso ayaa xadhiga ka jarey biyo galinta Qabalaha Golcaanood ee degmada Ararso
Biyo galintan oo uu ilo-biyoodkeeda ( ceelka ) xafiiska Biyaha DDS uu qodey ayaa ayaa waxaa biyo galin usameysey Hay’ada Oxfam iyadoo ay qeybta biyo galinta ku baxdey misaaniyad dhan 9 million.
Biyo galintan ayaa ka kooban , Solar iyo dhismaha guriga Matoor ka oo ceelka dushiisa ah , soo iibinta iyo dhigida 3.2km oo isugu jira tuunbooyinka biyaha keena iyo kuwa qeybiya , dhismaha keyd 50m^3 ah , 3 goobood oo ay dadku ka cabayaan iyo hal goob oo xooluhu iney ka cabaan loogu talagaley
Mashruucan oo ilo-biyoodkiisa uu xafiisku qodey xiligii abaarta islamarkaana xafiisku si ku Meel gaadh ah uu usii qalabeeyey xiligii abaartiina bulshada aagaasi ay ku diirsadeen ayaa hada biyo galin ay maalgisey Hay’ada Oxfam laga hirgaliyey.
Shacabka iyo Maamulka degmada Ararso ayaa ilo-biyoodka iyo biyo galinta isadaba socota ee mudo kooban loogu hirgaliyey si weyn usoo dhaweeyey