Xadhig ka jariid mashaariico dhawr ah oo ay ka mid yihiin

Masuuliyiinta xafiiska biyaha DDS oo uu ugu horeeyo madaxa xafiiska Mudane Xasan Maxamed Xuseen iyo masuuliyiin kale oo isugu jirta heer deegaan , Xildhiibaano, maamulka Gobolka Jerer iyo heer degmo ayaa todobaadkan xadhiga ka jarey mashaariico dhawr ah oo ay ka mid yihiin :
1. Qodaalka ceelka dheer ee laga hirgaliyey qabalaha Qeydarkadile ee degmada Yoocaale
2. Biyo galinta magaalada Aware
3. Qodaalka ceelka dheer ee laga hirgaliyey qabalaha Gurdumi ee degmada Aware
4. Biyo galinta Qabalaha Golcaanood ee degmada Ararso Masuuliyiinta ayaa sidoo kale Kormeer iyo indha indheyn kusoo sameeyey biyo galinta Magaalada Dhagaxbuur ka socota iyo mashruuca qodaalka ceelka dheer ee Qabalaha Balisareedo ee degmada Gunagado