Waxaa xadhiga laga jarey mashruuca Biyo galinta Qabalaha Dardheer ee degmada Garbo

Waxaa xadhiga laga jarey mashruuca Biyo galinta Qabalaha Dardheer ee degmada Garbo
Masuuliyiin uu hogaaminayo madaxa xafiiska Biyaha DDS Mudane Xassan Maxamed Xuseen oo ay wehelinayaan xubno kamid ah gudiga joogtada ah ee Golaha xildhiibaanada, maamulka Gobolka Nogob iyo degmada Garbo ayaa si rasmi ah xadhiga uga jarey Mashruuca Biyo galinta Qabalaha Dardheer ee degmada Garbo
Mashruucan ayaa waxaa ku baxdey misaaniyad dhan 21.3million waxaana loogu talagaley iney ka faaiideystaan tiro shacab oo dhan 4,201 qof iyadoo mashruucan ay fulisey shirkada dhismaha ee Sibi.
Mashruucan ayaa wuxuu ka koobanyahay ceel biyoodkii, qalabeynta iyo dhismaha guryaha ceelka , 8km oo isugu jirta tuunbooyinka biyaha keena iyo kuwa qeybiya , dhismaha keyd biyood qaadaya 200m^3 , dhismaha 5 goobaha biyaha laga cabo iyo 4 goobaha xooluhu iney ka cabaan loogu talagaley.
Mashruucan xadhiga laga jarey ayaa si toos ah ubilaabey adeeg bixintiisa waxaana si weyn usoo dhaweeyey maamulka iyo Shacabka goobta ka faaideystayaasha.